Waad ka tageysaa websaydka MPHA.

Hoy Macquul ah/LEP: Codsayaasha leh curyaannimada u qalanta ee u baahan caawin ee lagu buuxinayo codsiga liiska sugitaanka ama codsadaha u baahan caawinta luuqad bilaash ah, fadlan halkan ayu taaban kara, ama  wuxuu ku soo ogeysiin karaa MPHA boostada Mareykanka. Codsiga boostada ku socoto: MPHA, Maamulaha Kireynta, 1001 Washington Avenue North, Minneapolis, MN 55401.  Shaqsiyaadka qaba curyaannimada maqalka waxay u baahanyihiin hoyga waxay soo wici kartaa TDD/TTY Minnesota Relay ee 1-800-627-3529.

  1. Nidaamka Codsiga: MPHA waxay ogolaaneysaa codsiyada meeleynta liiska sugitaanka ee qoyska guriyeynta bulshada labo, afar, iyo shan qol. Waa inaad ku gudbisaa Codsiga liiskaga sugitaankaaga kombiitarka (online) inta lagu jiro furitaanka jadwalka. Waxaa kaliya oo aad gudbin kartaa hal codsi. Dhibaato malahan waqtiga aad codsatid inta lagu jiro muddada furitaanka. Boosaska liiska sugitaanka ayaa kowdii lagu dalbay Baraha Doorbiditaanka, iyo kadib si wareegta ah loogu bixiyey. Waxaad heleysaa lambarka xaqiijinta gudbinta Liiska Sugitaanka. Fadlan meel ku qoro lambarkaan.
  2. Warbixinta Aad U baahaneysid: Foomka codsiga kombiitarka (online) waa af Ingiriis. Si aad u buuxisid Codsiga Liiska sugitaanka waxaad u baahaneysaa magaca, taariiqda dhalashada, lambarka amniga bulshada, iyo daqliga xubinta qoys walba.
  3. U qalmida Liiska sugitaanka: Buuxinta codsigaan ma damaanad qaado meeleynta liiska sugitaanka. Haddii xubin qoys kaaga kamid ah lacag ka qabo MPHA, qoyska way geli karaan liiska sugitaanka laakin waa inay bixiyaan haraaga lagu leeyahay ka hor inta aan guri la siinin. Qoys walba waa inuu buuxiyaa sharuudaha xiggo si loogu meeleeyo liiska sugitaanka:
    1. Madaxa Qoyska ee waqtiga aad xareysay codsiga waa inaad ugu yaraan 18 sanno jirtaa, iyo markii laga reebo: Madaxa Qoyska waa la guursaday, xubinta shaqaalaha firfircoon ee ciidamada Mareykanka, ama ilmo madax banaan ee amarka maxkamada.
    2. Qoyska waa inuu la haadaa ugu yaraan laba xubnood, oo u qalmaa tayada laba qol ama guri ka weyn. Hal xubin oo qoyska ah waa inuu u qalmaa sida Madaxa Qoyska iyo hal xubin waa inay ku tiirsanaataa. Ku tiirsanaanta waa qofka ka hooseeya 18 sanno jir, waa Qof Curyaan ah, ama waa arday waqti buuxo. Qofka ku tiirsan ma noqon karo Madaxa Guriga ama canuga la koriyay.
    3. Ma jiro xubin qoyska ah oo lahaan karto xukunka sameynta methamphetamine ama lagu soo rogo sharuudaha diiwaangelinta cimrigooda ah sida waafaqsan barnaamijka diiwaangelinta dambiilayaasha galmada.
    4. Xiliga wareysiga u qalmida koowaad, Madaxa Qoyska waa inuu bixiyaa waraaqaha lambarka amniga bulshada oo xubinta qoys walba ama cadeeyo in xubinta aysan laheyn lambarka amniga bulshada.
    5. Xubinta qoys walba waa inay buuxiyaa sharuudaha HUD ee heerka muwaadinnimada ama socdaalka.
    6. Qoyska waa inuu u qalmaa ugu yaraan hal Doorbiditaan. MPHA ayaa xaqiijineyso Doorbidid walba oo weydiineyso waraaqda wareysiga qaadashada hore, markii magacaaga u soo dhawaado dusha liiska sugitaanka.
  4. Heerka Liiska sugitaanka: Shan iyo toban maalmood furitaanka kadib, waa soo wici kartaa 612-342-1553 oo raac dhiirogelinada lagu xaqiijinayo magacaaga waxaa lagu meeleeyay liiska sugitaanka. MPHA kuuma soo direyso xaqiijinta.
    1. Haddii magacaaga aanan lagu meeleynin liiska sugitaanka, MPHA ayaa ku soo ogeysiineyso ku qorista boostada Mareykanka ama i-meelka, 30 maalmood gudahood.
    2. Dib ayaad u codsan kartaa barnaamijka lix bilood kadib haddii xaaladaada ay isbadesho.
  5. Heerka Joogteynta ee Liiska sugitaanka: Haddii aad badeshid ciwaanka, lambarka taleefonka, daqliga, ama cabirka qoyska, waa inaad ku soo ogeysiisaa MPHA qoraal ahaan gudaha 10 maalmood oo ganacsi ee isbadelka. MPHA kuma qaadeyso isbadal taleefonka. Badel walba oo qoran waa inay ku jirtaa lambarka amniga bulshada. Haddii MPHA isku dayeen inay kula soo xiriiraan oo aadan u jawaabin, ama haddii warqad laguu soo diro ee lagu soo celiyo MPHA iyadoo aan lagu soo gaarsiin wayay, MPHA way ka saareysaa magacaaga liiska sugitaanka. Kadib markii magacaaga laga saaro, waxaad haysataa muddo hal sanno ah ee dib loogu celiyo codsigaa adiga oo sheegayo warbixinta hadeer. Waxaad ka heli kartaa Foomka Aqbaarta Codsadaha xafiiska guud ee MPHA ama websaydka MPHA. Boostada waxay isku badeshaa: Leasing Department MPHA, 1001 Washington Avenue North, Minneapolis, MN 55401
  6. Ogeysiinta iyo U qalmida Guriyeynta: Meeleynta liiska sugitaanka ma damaanad qaado inaaad buuxineysid sharuuda la doortay ee muhiimka u ah u qalmida guriyeynta bulshada. MPHA ayaa ogeysiineyso codsadayaasha markii magacooda u dhawaado dusha liiska sugitaanka iyo MPHA waxay diyaar u tahay inay bilowdo nidaamka baaritaanka.  Xaqiijinta kadib ee Baraha Doorbiditaanka, qoysaska buuxiyaa sharuuda baaritaanka waxaa la siinayaa qeybaha markii qeybta diyaar noqdaa (iyo sida waafaqsan meeshooda ee liiska sugitaanka).
  7. Takoor Laaanta: MPHA ma takooreyso codsade walba ama kireyste sababtoo ah jinsiyada, midibka, diinta, asalka dhalashada, isirka, heerka qoyska, jinsiga, dooqa galmada, heerka la xiriiro caawinta bulshada, heerka ciidannimo, heerka guurka, curyaannimad, da’da, ka mid ahaanshaha siyaasada ama waxkale MPHA waxay ansixisay Xeer Ka soo horjeedo Takoorida, Dhibaateynta, iyo Ka aargoosiga.

Maalmaha markii codsiga liiska sugitaanka uu furanyahay, waxaad ku codsan kartaa adiga oo riixayo halkaan.

Waad ka tageysaa websaydka MPHA.