Barnaamijka Foojarka Sekshan 8-ka Ee Guryeynta Xulashada: Waxaa Liisaska Sugitaanka

AF SOMALI

S: Sidee arjiyada codsashada loo soo xulayaa ee liiska ugu dambeya ee sugitaanka?

J: Marka uu xirmo mudada codsashada, 2,000 oo arjiyadda codsiga ayaa si bakhtiyo-nasiib ah loo soo xulayaa si loo dhigo liiska codsashada.Muhiimna ma’ahan goortii aad codsatey inta lagu jiro mudada codsashada. Arji walba wuxuu haystaa fursad isku mid ah oo ah in loo soo xusho bakhtiyaanasiibka. Hay’adda guryeynta ee MPHA waxey siineysaa 95% codsadayaashii la dhigey liiska sugitaanka codsadayaasha ku nool, ka shaqeysta, ama iskuul ka dhigta Miniyabolis. Inta hartey ee 5% ee la dhigey liiska sugitaanka waxaa la siinayaa wixii kale ee ah codsade.

S: Sideen ku ogaadaa xaalada meesha uu marayo codsigeyga?

J: Hayso rasiidka aad ku hesho qoraal fariineedka (email) marka aad gudbiso arjiga codsigaaga xasuusnow furaha magaca isticmaalaha (username) iyo nambarka ama erey sireedka ku ah (Password) ee aad sameysatey. Si dhaqsi leh marka uu arjiga codsashada xirno, waxaan ku soo dhajineynaa maclummada xaalada codsiga bogga www.WaitlistCheck.com. Waxaad isticmaali doonta magaca isticmaalaha (username) iyo kan sirta ku ah (Password) ee aad sameysatey markii codsigaaga si aad u hubiso xaaladda u marayo codsigaaga. Haddii uu codsigaaga lagu calaamadeeyey “ACTIVE,” waxaa ku jirtaa liiska sugitaanka. Waxaa lagaa rabi doonaa in aad sameysato akoon adiga oo isticmaalaya nambarka aqoonsiga (PIN) ee lagu cayimey rasiidka codsigaaga. Haddii codsigaaga lagu calaamadeeyey “INACTIVE”, laguma soo xulan baqtiyo-nasiibkii mana ku jirtid liiska sugidda.

S: Ma kusoo wici karaa si aan u ogaado xaaladayda ee liiska?

J: Ilaa mooyee aad codsatey fiirin sharci badalid suurogal ah (accommodation) oo ku saabsan xaaladanaafonimo u qalanta ama aad u baahan tahay caawin luuqada ah, waa in aad ka fiirsataa bogga www.WaitlistCheck.com xaaladada uu marayo arjiga.

Please do not call MPHA to ask if your application was selected in the lottery. 

Su’aalo